Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo Digniin ka soo saartay Talaalka Covid-19 ee la geeyay Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxay tahay digniinta Al Shabaab ay kasoo saartay tallaalka la geeyay Soomaaliya?

shabaab.jpg

Al Shabaab ayaa shacabka uga digtay inay isticmaalaan tallaalka AstraZeneca ee dhawaan la geeyay Soomaaliya.

Waxay shaki ka muujiyeen waxtarka iyo badqabka tallaalka iyagoo soo hadal qaaday in tallaalka ay joojiyeen qaar kamid ah dalalka Yurub, sida ay ku baahiyeen bogag taabacsan kooxda.

Al Shabaab ayaa sheegtay in dowladda aysan laheyn qalab ama sheybaar tayeysan oo lagu hubin karo waxtarka iyo ammaanka tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19.

Waxay shacabka ugu baaqeen in Alle bari ay sameeyaan si loo helo tallaal ammaan ah oo waxtar leh.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this