Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta Eyga Madaxweynaha Mareykanku Aqalka Cad Dadka ugu qaniino

Recommended Posts

Deeq A.   

Sababta Eyga Madaxweynaha Mareykanku Aqalka Cad Dadka ugu qaniino

.

Mid kamid ah eyda uu xanaaneysto madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo lagu magacaabo Major oo aqalka cad ayaguna loo soo wareejiyay kadib markii xilka loo dhaariyay Biden ayaa markii labaad bishaan gudeheed qof ku dhex qaniinay Aqalka Cad.

Eyga oo falkaan ku kacay maalmo uun ka dib markii laga soo celiyay tababar loo geeyay Delaware.

Afhayeen u hadlay marwada koobaad ee Jill Biden ayaa sheegay in qofka uu qaniinay eyga lagu arkay qeybta caafimaadka ee Aqalka ka hor inta uusan shaqada ku laaban.

Major oo ah labada ey midka yar, ayaa ah Eyga oo ah nooca loo yaqaano German shepherds.

“Waa ey aad u fiican.” ayuu yiri biden.

Michael LaRosa, oo ah afhayeenka Jill Biden ayaa sheegay in dhacdada oo Isniintii dhacday ay tahay mid muujineysa in weli eyga Major uu la qabsanayaayo deegaanka cuusb. Waxa uu sheegay inuu qaniinay qof dhex socday gudaha Aqalka.

CNN ayaa soo werisay in shaqaale ka tirsan Shqaalaha Seerada Qaranka uu eyga qaniinay, taasi oo sababtay in shaqada uu joojiyo oo daweyn la geeyo, hase yeeshee shaqaalaha la sheegay in la qaniinay ayaan ka soo jawaabin codsi ay CNN u dirtay si uu uga hadlo dhacdada.

Labada ey, Major iyo Champ, oo 13 jirro ah ayaa la geeyay guriga gaarka ee qoyska Biden oo ku yaalla Wilmington, Delaware ka dib markii ay qaniinyada koobaad ay dhacday 8-dii bishaan Maarso.

Waxaa la sheegay inuu markaasina qaniinay mid kamid askarta qaabilsan amniga aqalka cad.

 

Major Biden iyo madaxweyne Joe Biden
Major Biden iyo madaxweyne Joe Biden

Eygan ayaa la sheegay in uu lasoo baxay dabeecado qallafsan markii la geeyay aqalka cad. Madaxweynaha Mareykanka ayaa eygan soo korsaday saddex sano kahor. Waxaa uu noqonayaa xayawaankii ugu horreeyay ee inta aqalka cad la geeyo kadibna laga saaro.

Ilo aan la shaacinin ayaa warbaahinta CNN u sheegay in eyga uu buuq iyo bodbood ku wareeriyay shaqaalaha ammaanka qaabilsan ee aqalka cad.

Marwada koowaad ee Mareykanka, Jill Biden ayaa bishii lasoo dhaafay mid kamid ah warbaahinta Mareykanka u sheegtay in markii ay usoo wareegeen aqalka cad ay diiradda saartay sidii ay u saldhigan lahaayeen eyda oo xilligaas ku cusbaa madaxtooyada.

“Waxay noqotay in ay adeegsadaan wiishka oo aysan u baranin, waana taas sababta aan aadka ugu doonayay in qofwalba uu saldhigto,” ayay tiri Jill.

Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu leeyahay taariikh dheer oo ah in madaxda halkaas imaneysa ay la yimaadaan xayawaano, haseyeeshee madaxweyne DonaldTrump ayaa waxaa uu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee aanan ey ama xayawaan kale keensanin aqalka cad muddo 100 sano ah.

Joe Biden ayaa sheegay in uu Biden ka murgacday lugta xilli uu la dheelayay mid ka mid ah eydiisa.

Madaxweyne Biden ayaa dhammaadka sanadkii hore dhaawacmay kadib markii ay u baxday lugta oo uu dhulka ku dhacay xilli uu la ciyaarayay eyda uu dhaqdo midka ugu weyn.

Madaxweyne Biden ayaa aqalka cad la wareegay horraantii sanadkan, inkastoo aanu xil wareejintii loga bartay aanu ku sameynin madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Trump, kadib markii uu saluugay doorashadii ka dhacday dalka Mareykanka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this