Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar oo bilowday baaritaanka markabkii xayiray marinka Suweys

Recommended Posts

Deeq A.   

Kabtan Sayed Shesha, oo ah lataliye ka ah  Hay’adda Kanaalka Suweys, ayaa wareeysi uu siiyay warbaahinta  ON TV, ku sheegay in maanta ay bilaabayaan baaritaan ku saabsan ciladahii qabsaday markabkii  Ever given oo dhawaan ku ciladoobay Kanaalka Suweys.

Lataliyaha Hay’adda Kanaalka Suweys ayaa sharaxay in baaritaanka ay qeeyb ka ahaan doonaan hubinta in kabtanka markabku uu ka jawaabay amaradii Hay’adda ka hor inta uusan markabku ciladoobin.

Khubarada u xil saaran baaritaanka markabkan konteenarrada siday ee muddada toddobaadka ku dhow  xayiray Kanaalka Suweys,  ayaa su’aalo la xiriira sababaha shilka  weydiin doona maamulka iyo Kabtanadii waday maraakan.

Mid kamid ah Hawl wadeenada Hay’adda Kanaalka Suweys oo magaciisa qariyay ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Associated Press in khubaradu ay iskudayi doonaan inay ogaadaan waxa sababay cilada markabka.

PUNTLAND POST

The post Masar oo bilowday baaritaanka markabkii xayiray marinka Suweys appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this