Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha Dhaqaale Ee Kanaalka Suweys Ka Soo Gaadhay Xanibaadii Markabka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaahira)-Madaxa Maamulka Suweys, Admiral Osaama Rabiici ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey Khasaare maalmeedkii ay kala kulmeen Markabkii xanibay Kanaalkaasi .

Waxa uu Admiral Osaama tilmaamay  inay lacag u dhexeysa 12 million oo dollar ilaa 15 million oo dollar ay khasaareen 6-dii maalmood ee ay socotay xanibaadaasi.

Mar wax laga weydiiyey inay iyagu mas’uul ka ahaayeen Markabkii ku caariyey Kanaalka, waxa uu xusay inay iyagu dhibane ah, laguna eedeyn karin shilkaasi.

Shirkadda leh Markabkii xanibay Kanaalka maalmihii la soo dhaafay waxay iyagana sheegeen in aanu Maamulka Kanaalka mas’uul ka ahayn inuu Markabkooda ku caariyey Kanaalka.

Markabka Ever Given waxa Kanaalka laga jiiday maalin ka hor, taasi oo soo af-jartay Xanibaadii Marinka Kanaalka Suweys ee isku-xidha Badda Cas iyo Badda Mediterrean Sea.

Tan iyo bishan March 23-dii waxaa xanibnaa Marinka Kanaalak Suweys ee isku xidha Badda Cas iyo Badda The Mediterranean Sea, kadib markii uu Markab Xamuul oo aad u culus ku caariyey inta u dhexeysa labada Cidhif ee Kanaalkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this