Deeq A. Posted March 31, 2021 (SLT-Hargeysa)-Waxa la dhammaystiray inta badan dhismaha waddada Cabbaaye Waa markii ugu horraysay oo dib loo dhiso waddada Cabbaaye tan iyo markii la dhisay oo ahayd wakhtigii dawladdii Siyaad Barre, marka laga reebo Maayir Xuseen Maxamud Jiciir oo mar kabkab wanaagsan ku sameeyay wakhtigii dawladdii Madaxweyne Riyaale. Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo Maayir Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa ku guulaystay inay dib u dhis ku sameeyaan waddada Cabaaye oo ah muddo muhiim u ah isku socodka magaalada Hargeysa. Source Share this post Link to post Share on other sites