Sign in to follow this  
Deeq A.

War Deg Deg Ah: Gudoomiye Mursal oo Amisom ka dalbadey in Xildhibaanadu ku laabtaan Gudaha Hoolka si nabadgalyo ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib markii Ciidamada Amisom ay soo faariqiyeen Hoolka Baarlamaanka ayaa Xildhibaanadii dhamaan waxay isdhoobeen banaanka hore ee Baarlamaanka.

Hada waxaa Wadahadal u socdaa Xildhibaanada iyo Gudoonka Baarlamaanka si ay si nabdooni ah oo aan Buuq lahayn ay uwadagalaan Gudaha Baarlamaanka.

Xildhibaanada qaarkood ayaa sheegay in Gudoomiyuhu uu Ciidamo badan la yimid Baarlamaanka tasoo Buuq dhalisay, wuxuu Gudoomiye Mursal uu la hadlay Ciidamada Amisom, wuxuuna u sheegay in uu la hadlayo Xildhibaanada si ay si nabadgalyo ah oo aan khashkhashaad lahayn ay u galaan Gudaha Baarlamaanka, taasna Amisom way aqbaleen, laakiin waxaa shaki ku jiraa qaabka uu Gudoomiyuhu uga dhaadhiciyo Xildhibaanada Mucaaradka inay joojiyaan khashkhashaada.

Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com Breaking News Center Garowe

mursal.jpg

The post War Deg Deg Ah: Gudoomiye Mursal oo Amisom ka dalbadey in Xildhibaanadu ku laabtaan Gudaha Hoolka si nabadgalyo ah appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this