Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho oo Kala Xiran Kahor Shirka Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa Saakay xiran inta badan wadooyinka Muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo goobaha qaar isku socodka dadka iyo gaadiidka ay diidayaan Ciidamada dowladda.

Wadooyinka oo lagu arkayo ciidamada dowladda iyo gadiidka dagaalka qaar , ayeey ciidamada gadiidka dadweynaha ka celinayaan goobaha qaar in ay maraan.

Jidadka xiran ayaa waxaa ka mid ah adooyinka soo gala Wadada dheer ee Maka Al-mukarama , taas oo ay shacabka lugahooda ku marayaan , kadib markii la diiday gadiidka dadweynaha .

Waxaa si gaar ah loo adkeyay wadooyinka Galo Madaxtooyada , iyadoo saaka ay xildhibaanada Kulan yeelanayaan .

Xirnaasha wadooyinka oo ay dadka Saakay ku waa bariisteen , ayaa la ogeyn sababta ka dambeysay in wadooyinka loo xiro.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka shiraya Ajenda ay shaki galiyeen Xubnaha ka aragtida duwan Xukuumadda .

166987206_844584366456467_37528117531083 167017059_844584419789795_30871605525490 167322528_844584373123133_28228173899490 166991642_479928386755385_13602070721050

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this