Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo markale baaq u dirtay madaxda maamul goboleedyada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo war kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa markale baaq u dirtay madaxda dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa si gaar ah looga dalbaday Axmed Madoobe iyo Deni inay kusoo biiraan shirka wada-tashiga Qaran ee Afisyooni.

Sidoo kale dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in khilaafka ka taagan doorashooyinka lagu dhammeeyo wada-hadal, si looga baaqsado xasilooni darro.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mar kale ugu baaqeysaa madaxda dowlad-goboleedyada ka maqan Shirka Wadatashiga Qaran ee Arrimamaha Doorashooyinka inay ku soo biiraan, si arrimaha lagu kala duwan yahay loogu xalliyo miiska wada hadalka, dalkana ay uga qabsoonto doorasho daahfuran,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Baaqa kasoo yeeray dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, xilli lagu jiro xaalad adag oo kala guur ah, islamarkaana uu is mari-waa ka taagan yahay doorashada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this