Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wada-hadleen Wasiir Xundubey iyo Safiirka Ingiriiska?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu  kula kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya.

Kulanka oo saacado kooban qaatay ayaa labada dhimac waxaa ay  kaga wada hadleen xaalada Amniga doorashooyinka iyo arrimaha kale ee muhiimka ah ee Amniga Dalka iyo iskaashiga labada dal.

Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey ayaa uga mahad celiyay dowladda Ingiriiska taageerada dhinaca Amniga oo ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, waxaana uu ugu baaqay inay kordhiyaan.

Safiirka Uk ee Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in ay joogteyn doonaan xiriirka ay la leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka taageeri doonaan dhinacyo badan.

PUNTLAND POST

The post Maxay ka wada-hadleen Wasiir Xundubey iyo Safiirka Ingiriiska? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this