Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo waan waantii u dambaysay ka dhexwada Raysal wasaaraha iyo Badbaado Qaran

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubno ka socda Beesha Caalamka ayaa maanta la kulmay Raysal wasaare Rooble, dabcan waxay kawada hadleen Arimaha Doorashada, kadibna waxay la kulmeen Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Kulamadii Sadexda Maalmood ee ay wada yeesheen Shanta Madaxweyne ee Dowlad Goboleedyada ayaa Qodobadii la isla merldhigay waxaa ka biya diidey Madaxweyne Farmaajo, tasoo keentay in Beesha Caalamku ay Raysal wasaaraha ku cadaadiyaan inuu kaalin ka qaato Wadahadalka.

Warar waxaa jira sheegaya in Beesha Caalamku ay kulan ay la qaateen Madaxweyne Farmaajo uu natiijo la aan kusoo dhamaadey kasoo keenay in uu saameyn ku yeeshay Kulankii dhex maray Raysal wasaaraha iyo Bersha Caalamka.

Warar hoose waxay sheegayaan in Warsaxaafadeed ka kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha uu yahay mid ka yimid Xafiiska Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo ku adkaysanayaa in la yimaado Kulankii uu isagu ka bilaabay Teendhada Afisyooni, Halka Bersha Caalamku ay taageereen Kulan Cusub, kasoo lagu samaynayo Qodobadii ay Shanta Madaxweyne kawada hadleen.

Wali Xog intaas dhaafsan lagama hayo kulanada balse dhowaan naga filo warar rasmi ah oo ku saabsan kuwadaas.

05D4030A-C910-4E75-8214-99D89963D091-800 BA243791-D795-4389-B9A1-0406F42F3159-772 29359DD1-646D-4C79-AFBE-F6C44545CDFA-800

The post Beesha Caalamka oo waan waantii u dambaysay ka dhexwada Raysal wasaaraha iyo Badbaado Qaran appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this