Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni iyo Axmed Madoobe oo kulan gaara la yeeshay Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16171276681357698.jpg?resize=720%

Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubalanad.

Kulanka ayaa looga hadlay qaabka ugu haboon ee uu ku qabsoomi karo shir weynaha arimaha doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha ka jira qaabka uu shirku ku qabsoomayo.

Labada Madaxweyne ee Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa Beesha Caalamka la wadaagay aragtidooda la xiriirta qabsoomida shirka.

Wakiilada Beesha Caalamka ee shirka la qaatay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa kala ah Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo safiirka UK.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo qaar kamid ah xukuumaddiisa.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo xal looga gaarayo ismariwaaga ka tagaan doorashada Soomaaliya oo dib u dhacsan.

PUNTLAND POST

The post Deni iyo Axmed Madoobe oo kulan gaara la yeeshay Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this