Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia oo beenisay warar laga faafiyay Madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   
Sadexda.jpg?resize=630%2C420&ssl=1

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar ku saabsan in Madaxweyne Farmaajo maalinta berry ah u safri Addis Ababa si uu heshiis Amni ula saxiixdo  dalalka Itoobiya iyo Eriteeriya.

“Wararka sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu barri safar u yahay ka qeyb galka shir la sheegay in uu ku saabsan yahay heshiis amni oo heer gobol ah waa mid been abuur ah oo aan jirin.” Ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Dowladda Federaalku waxay sheegtay in Safarada shaqo ee Madaxweyne Farmaajo ay yihiin kuwa daahfuran oo xogtooda ay si dhammeystiran u soo gudbiyaan Warbaahinta Soomaaliyeed.

Waxaa nasiib darro ah in Madax xilal muhiim ah ka soo qabtay dalka ay ku jaahwareeriyaan shacabka Soomaaliyeed xog aan sugnayn, iyaga oo uga gol leh dano siyaasadeed oo gaar ah, halka ay ahayd in ay ka soo dhalaalaan waajibaadka Qaran ee horyaallay 4-tii Sano ee la soo dhaafay.” Ayuu sii raaciyay Qoraalkaas.

PUNTLAND POST

The post Villa Somalia oo beenisay warar laga faafiyay Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this