Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo lagu soo dhoweeyay Dooxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) ayaa ku soo Dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Dooxa ee dalka Qatar Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane/Xasan Xuseen Xaaji oo muddo kooban ku sugnaa garoonka Hamnad International Airport  ee magaalada Dooxa.

Safiir Taano oo uu Wehliyo uqeybsanaha arrimaha Ciidanka ee Safaaradda General Maxbuub Xasan Cabaade ayaa wasiirka Gaashaandhigga JFS kula qaatay waqti garoonka diyaaradaha  ayada oo wasiirku Xusay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal Xoogan galisay dib-u-dhiska Ciidanka ,Dalal kala duwan oo Qatar ay ka mid tahayna kaga mahadcelinayaan Mashaariicda horumarineed iyo midda amni ee Soomaaliya ay ka fulinayaan,

Safiirka Soomaaliya Danjire Cabdirsaaq Taano dhiciisa uga war bixiyey Wasiirka Xaaladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qatar iyo soodhawaynta wanaagsan ee ay helaan  walaalahooda Qatar, dawlad ahaan iyo shacab ahaanba.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this