Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Jabuuti oo ka wadahadlay doorashada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16171028587080380.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiirka dalka Jabuuti ee Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni iyo Danjire Aadan ay ka wadahadleen arrimaha doorashada Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa ku dadaalaysa sidii xal looga gaari lahaa ismariwaaga ka tagaan doorashada Soomaaliya oo dib u dhacsan.

Madaxda Soomaaliya ayaa weli isku fahmi la’ arrimaha doorashada, muran iyo khilaaf horleh ayaana hareeyay shirar gaar-gaar ah oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Jabuuti oo ka wadahadlay doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this