Sign in to follow this  
Deeq A.

KULMIYE Oo Ka Maquurtay Inuu Ka Qayb Galo Shirka Golaha Dhexe Ee WADDANI Oo Lagu Marti Qaaday In Uu Ka Qayb Galaan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa ka maquurtay inuu ka qayb galo Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani, oo lagu marti qaaday in ay marti sharaf ahaan uga qayb galaan.

Shirkan oo saaka ka furmay Hargeysa, oo lagu soo marti qaaday xisbiyada UCID iyo Kulmiye, ayaa waxa ka soo xaadiray Masuuliyiinta UCID oo keliya, halka ay ka baaqdeen madaxda KULMIYE.

Cabdinaasir Yusuf, oo ka tirsan UCID oo ka hadlay shirkan Golaha Dhexe ee Waddani, ayaa ku hambalyeeyey qabashada shirkooda

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab oo ka hadlay shirkan, ayaa sheegay in ay Kulmiye ku casuumo shirka, balse ay ka xun yihiin in ay iman waayaan.

Lama oga sababta uu Xisbiga Kulmiye uga baaqday Shirkan Masuuliyiinta Waddani ay sheegeen ku casuumeen.

IMG-20210330-WA0019-1-1024x683.jpg FB_IMG_1617089067204.jpg FB_IMG_1617089064386.jpg IMG-20210330-WA0020-1024x683.jpg eb774a9f-63d0-4388-b4db-2d372465e252

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this