Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Dds Oo Shuruud Ku Xidhay Ka Qeyb Galka Doorashada Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(Slt-Jigjiga)-Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Ee Dalka Itoobiya Ayaa Guddiga Dorashooyinka Qaranka Ee Dalka Itoobiya U Sheegay Cabashada Deegaanka Haddaan Laga Jawaabin Inay Ku Adkaaneyso Doorashada Soo Socota Iney Ka Qayb Galaan.

Warqad Uu Maamulka Deegaanka Soomaalida Uu Si Toos Ah Ugu Qoray Guddiga Doorashaada Qaranka Itoobiya Ayuu Deegaanka Ku Codasaday Iney Guddiga Dooorashooyinka Dib Uga Laabtaan Go’aanka Ay Ka Gaadheen 30 Goobood Oo Cod Bixin Ah Oo Hoos Tagto 8 Tuulo Oo Ka Tirsan Deegaanka Soomaalida Goobo Codbixin Ay Ka Sameeyaan Ayna Ku Soo Celiyaan Deegaanki Ay Horay Uga Tirsanaayeen.

Warqad Maalinti Shalay Ahayd Ka Soo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Dds Waxaa Lagu Shaaciyey Maamulka Deegaanka Inay Eegeen Guddiga Doorashooyinka Oo Ka Duulayo Cabasho Uga Timid Deegaanka Canfarta Go’aanka Uu Ka Gaaray Inaan Goobo Codbixin Laga Sameyn 30 Deegaan Doorasho Oo Deegaanka Soomaalida Hore U Hoostagi Jirtay.

Deegaanka Cafartana Dhankiisa Wuxuu Dalbaday Inuu 30-Ka Deegaan Doorasho Ee Codbixinta Iyo Tuulooyinka Hoos Yimaaddaba In Maamulkooda La Hoos Geeyo Doorashadana Ay Deegaanka Cafarta U Dhacdo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this