Sign in to follow this  
Deeq A.

Cagjar: Ma aqbaleyno deegaan doorashooyinkeenna in lagu daro Canfarta

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa guddiga dorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya u sheegay cabashada deegaanka haddaan laga jawaabin iney ku adkaaneyso doorashada soo socota iney ka qayb galaan.

Warqad uu maamulka deegaanka Soomaalida uu si toos ah ugu qoray guddiga doorashaada qaranka dalka Itoobiya ayuu deegaanka ku codasaday iney guddiga dooorashooyinka dib uga laabtaan go’aanka ay ka gaareen 30 goobood oo cod bixin ah oo hoos tagto 8 tuulo oo ka tirsan deegaanka Soomaalida goobo codbixin ay ka sameeyaan ayna ku soo celiyaan deegaanki ay horay uga tirsanaayeen.

Warqad maalinti shalay ahayd ka soo baxday xafiiska madaxweynaha DDS waxaa lagu shaaciyey maamulka deegaanka iney eegeen guddiga doorashooyinka oo ka duulayo cabasho uga timid deegaanka Canfarta go’aanka uu k agaaray inaan goobo codbixin laga sameyn 30 deegaan doorasho oo deegaanka Soomaalida horay u hoostagi jirtay.

Guddiga doorashooyinka wuxuu sheegay 8-dda tuulo ee aan loo asteyn goobo codbixin iney kala yihiin: Gala’eto/Cadayle; Adaytu/Adayitu; Teot/Allaale; Gurmudali/Danlahelay; Undafo/CAndhuufo; Gadamaytu/GarbaCiise; Afaso/Afuase; iyo Balaiti Gona/Madani, deegaannada Soomaalida iyo Cafratana tuulooyinkasi magacyo kala duwan looga yaqaanno.

Warqadda mamulka deegaanka Somaalida ka soo baxday waxaa kale oo lagu sheegay “seddex magaalo ama tuulo oo deegaanka Soomaalida ka tirsan oo kala ah Garba-Ciise (Gadamaytu), Cadeytu iyo Candhuufa iney horay labada deegaan isugu heysteen balse 3-da tuulo ee hore iyo 5-ta tuulo uu guddigu hadda ku soo daray inuu deegaanka Cafarta uu ka cabanayo, tani iyo marki deegaanka Soomaalida la aasaasay iney deegaanka ka tirsanaayeen sidaa darteed ay marnaba aqbaleyn go’aanka ka soo yeeray guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya.”

“Tuulooyinka uu deegaanka Cafarta sheeganaya iney iyagu leeyihiin 5-tii doorasha ee dalka Itoobiya ka dhacdayba iney deegaanka Soomaalida hoos tagayeen lagana soo doortay xildhibaanno heer federaal iyo heer deegaan, doorashada 6-aad ee dalka ka dhaceysana ay doorashada sideedi hore uga dhacdo ayna hoos tagaan deegaanki ay weligoodba tuulooyinkaasi hoos tagi jireen”, ayaa warqadda lagu yiri.

Maamulka deegaanku wuxuu sheegay Guddigu inuu wax tala iyo tusaala ah oo amuurtan ku saabsan deegaanka weydiinin xaqiiqda jirtana ay qiimeynin balse ay u muuqdaan kuwa u adeegayo danaha iyo cabashada deegaanka Cafarta taasina ay shacabka deegaanka Soomaalida dhibaato ku keeneyso xaaladdana ay uga sii dareyso.

Xaalka haddii uu sidan ku sii socdana ay dhici karto deegaanka Soomaalida dulqaadka uu ka muujinayey xadgudubyada joogtada ah oo shacabka ayaga loo geysto tuulooyinkaasi loogu geystay, inaan ka raja beelno.

Ugu dambeyntina, degaanka Soomaalidu warqadda uu guddiga doorashooyinka u qoray wuxuu kaga codsaday iney ka noqdaan go’aanka ay sheegeen inuu hal dhinac u jajeero kaddibna xaaladda si qoto dheer ay ugu kuur galaan oo tuulooyinkaasi 5-ti doorasha oo hore sidi ay doorashada uga soo dhacday in deegaan doorasho loo soo celiyo haddii ay sidaa dhici weydana deegaanka Soomaalida ay ku adkaaneyso iney doorashada soo socota ee dalka ka dhaceyso ka qayb qaataan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this