Deeq A. Posted March 30, 2021 Maxkamadda Gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa ganaax lacageed oo mid $700 oo Doolar ku riday 31 ruux oo si sharci daro uga kalluumeysanayay xeebaha maamulkaas. Kalluumeysatadan oo ka soo jeeday waddanka Yemen ayaa laga soo qabtay xeebaha u dhexeeya degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere sida ay maxkamaddu sheegtay. Dadka la qabtay ayaa ka koobnaa 39 qof balse 8 kamid ah ayaan wax xukun ah lagu ridin maadaama lagu sheegay carruur aan qaan-gaarin. Sidoo kale maxkamaddu waxay xukuntay in lala wareego doontii iyo qalabkii ay wateen raggaas. PUNTLAND POST The post Galmudug oo xukunno ku ridday kulluumeysato ajaanib ah appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites