Sign in to follow this  
Deeq A.

Hawlgal miino-baaris ah oo laga sameeyay Jubada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   
3-8.jpg?resize=720%2C430&ssl=1

Ciidamada Kumaansoorka DANAB  iyo kuwa Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay saacadihii lasoo dhaafay howlgal miino baaris ah ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada  dowladda iyo Jubbaland ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay degaanada Dhaay-cabdow Mayoonde iyo Buula-kuusow, waxaana halkaas laga saaray miinooyin ku aasnaa wadada.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen in miinooyinka ay dhulka lagu aaseen Al-shabaab, isla markaana la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka iyo dadka safarka ah.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in inta uu socday howlgalka uu iska hor imaad kooban uu dhexmaray Ciidamada iyo Al-shabaab, uuna jiro khasaaro ka dhashay, in kastoo aysan faah faahin.

PUNTLAND POST

The post Hawlgal miino-baaris ah oo laga sameeyay Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this