Sign in to follow this  
Deeq A.

Muran iyo khilaaf hareeyay qabsoomidda Shirkii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muran iyo khilaaf horleh ayaa hareeyay shirar gaar-gaar ah oo ka socda magaalada Muqdisho, kuwaas oo u gogol-xaaraya shirka guud ee Arrimaha doorashooyinka, kaas oo la filayo in ay yeeshaan dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Wararku waxay sheegayaan, in dhinacyadu ay weli isku fahmi la’ yihiin arrimaha Shirka, gaar ahaanna ka qayb-galka iyo ajandaha Shirka, oo ay ku jiraan qaabka loo furay iyo qodobada lagu bilaabayo iyo muddada uu soconayo.

Shirka oo la doonayay in la furo Talaadada maanta ayaa mar kale dib u dhac ku yimid, waxaana weli socda kulamo goonni-goonni ah iyo dadaallo ku jihaysan in isfaham laga gaaro muranka la xiriira qabsoomidda Shirka.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaasha qaar ayaa walaac ka muujinaya in fadhiga Baarlamanka Soomaaliya oo sida qorshaysan Arbacada berri ah la qaban doono, kaas oo laga cabsi qabo in mudda kororsi loogu sameeyo dowladda Federaalka.

PUNTLAND POST

The post Muran iyo khilaaf hareeyay qabsoomidda Shirkii Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this