Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar Ceel ayaanu ka Qodaynaa Degaannada Gumays, Yeyle iyo Gol-Janno” Wasiirka Warfaafinta S/land

Recommended Posts

Deeq A.   

Afar Ceel ayaanu ka Qodaynaa Degaannada Gumays, Yeyle iyo Gol-Janno” Wasiirka Warfaafinta

Capture-12-696x393-1.jpg?resize=696%2C39

Wefti uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wac’gelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ay ka mid yihiin Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo ah murrashax u taagan golaha wakliillada, isuduwaha wasaaradda biyaha ee gobolka Sool Axmed Maxamuud Xirsi iyo mas’uuliyiin kale ayaa xogogaal u noqosho ku maraya gobolka Sool.

 

Weftiga  oo si weyn loogu soo dhaweeyey degaannada Gumays, Yeyle iyo Gol-janno ayaa u jeedada socdaalkooda ku sheegay in uu salka ku hayo sidii ay xogogaal ugu noqon lahaayeen xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku nool degaanadaas, waxaanay xuseen in ay u qodi doonaan afar ceel kuwaas oo laga hirgelin doono degaannada hoos yimaadda gobolkaas.

 

Wasiirka Warfaafinta ayaa degaanka Gol-jano sheegay in degaannada Gumays, Yeyle iyo Gol-janno ee ay marayan laga qodi doono afar ceel, kuwaas oo ka ugu horeeya laga qodi doono degaanka Goljano, waxaanay intaas ku dareen in xukuumaddu dadaal ugu jirto daboolida baahiyaha biyo ee ka jira gobolka Sool iyo degaannada hoos yimaada.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this