Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ciidan qoris ka wadda gudaha Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
sawir-hore.jpg?resize=540%2C389&ssl=1Kani waa sawir hore

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya, in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si qarsoodiya ciidan qoris uga  bilowday magaalooyin ka tirsan Somaliland.

Dowladda Federaalka ayaa sida la xaqiijiyay magaalooyinka Ceerigaabo iyo Laascaanood ka samaysay xarumo qarsoodiya oo laga diiwaan-geliyo  dhalinyarada Reer Somaliland ee ku biiraya ciidamada Soomaaliya.

Magaalooyin kala duwan oo ka tirsan Somaliland, ayaa la sheegay in dhalinyarada laga keeno, kadibna si qarsoodiya looga diiwan-geliyo magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo, sida ay caddaysay xogtani.

Dhalinyarada ayaa loo sheegaa in tababar dibadda ah loo qaadi doono, kadibna ay ku biirayaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale ,waxa xusid mudan in magaalada Gaalkacyo laga qortay dhalinyaro ka soo jeeda Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo loo sheegay in tababar ciidan loo qaadi doono.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ciidan qoris ka wadda gudaha Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this