Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimaha Guud ee W.Warfaafinta oo Baabuur iyo Agab kale kala  Wareegay BBC Media Action

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha Guud ee W.Warfaafinta oo Baabuur iyo Agab kale kala  Wareegay BBC Media Action

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa   Baabuur Serf ah iyo Qalab Xafiis kala wareegay Madaxa BBC Media Action Maxamed Cabdilaahi Gaas.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa  uga mahadceliyey BBC Media Action qalabka ay soo gaadhsiisay Wasaaradda Warfaafinta, waxaanu tilmaamay in qalabkaasi qayb ka yahay wada shaqeynta  ka dhexaysa  Wasaaradda iyo BBC Media Action.

Madaxa BBC Media Action Maxamed Cabdilaahi Gaas ayaa xusay inay wasaaradda la lahaayeen muddo dheer wada shaqeyn  la xidhiidha dhinaca tababarka iyo qalabeynta ah, waxaanu  sheegay in baabuurkan iyo qalabkaasi wax ka tari doono hawlaha shaqo ee Wasaaradda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this