Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoorqoor, Laftagareen iyo Guudlaawe oo Madaxweyne Farmaajo ka dhaadhiciyaan Laba qodob oo Shirkii maanta aan go’aan looga gaarin

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka rasmiga ah ee Warbaahinta Puntlandi.com ka helayaan Xalane, Shirkii Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ay maanta wada yeesheen ayaa laba qodob la isla meeldhigi waayay, labadaas qodob oo Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ay kabiyo diideen, tala ayaana ay caawa ugu tageen Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi.

Qodobka kowaad ayaa ah in Musharixiinta Xubno matalaya ay ka qayb noqdeen Shirka Wadatashiga.

Qodobka labaad ayaa isna ah in Shirku intuusan bilaaban uu Madaxweynuhu Ka hadlo in aysan Hay’adaha Dowlada ay yihiin oo qura Xilgaarsiin aan awood lahayn, Qodobkaan waxaa looga gol leeyahay in laga hortago in Baarlamaanku uu qaado talaabo waxbu dhimaysa Wadahadalada socda.

Labadaan Qodob ayaa diidmada ay diidan yihiin Sadexdaan Madaxweyne waxaa lagu macneeyey in ay tahay Cadaadis ka saaran dhanka Villa Soomaaliya, waana laba qodob oo sida Muuqata uusan marnaba aqbalayn Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey, balse ah Qodobo Macquul ah oo xal u noqon kata in Dalku Doorasho aado.

Aakhirkii waxaa la isla meeldhigay in ay Madaxweyne Qoorqoor, Laftagareen iyo Cali Guudlaawe ay wadatashi u aadaan Villa Soomaaliya ayna kasoo dhaadhiciyaan Madaxweyne Farmaajo labadaan Qodob.

kulanka Madaxweynayaasha ayaa sii soconaya beri oo Talaado ah 30/3,2021, waxaana lagu dadaalaysa in 1 April uu furmo Shirweynaha wadatashiga.

Puntlandi.com Muqdisho

ECE6A701-8A96-4DF5-9970-55CD4556D238-732

The post Qoorqoor, Laftagareen iyo Guudlaawe oo Madaxweyne Farmaajo ka dhaadhiciyaan Laba qodob oo Shirkii maanta aan go’aan looga gaarin appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this