Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad lagu laayay weerar ka dhacay waqooyiga dalka Mozambique

Recommended Posts

Deeq A.   

Tobaneeyo qof ayaa dhimatay ka dib markii weerar lagu soo qaaday magaalada Palma ee ku taalla waqooyiga dalka Mozambique, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhiga dalkaasi.

7 qof oo dadkaasi ka mid ah ayaa la dilay xilli ay isku dayayeen inay ka baxsadaan goob Huteel ah oo ay ku go’doonsanaayeen, waxaa sidaasi sheegay Omar Saranga.

Boqollaal qof oo kale oo isugu jira ajaaniib iyo dadka deegaanka ayaa sidoo kale wararka sheegayaan in la soo badbaadiyo.

Magaalada Palma ayaa tan iyo Arbacadii waxaa weerar ku hayay kooxo mintidiin ah oo halkaasi ka dagaalama.

PUNTLAND POST

The post Dad lagu laayay weerar ka dhacay waqooyiga dalka Mozambique appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this