Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo maanta la kulmaya madaxda maamul goboleedyada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa inuu kulan gaar ah la qaato shanta hoggaamiye goboleed ee dalka.

Kulanka oo ka dhacay hoteel ku yaalla garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Intiisa badan waxaa kulankan diirada lagu saarayaa, sidii xal looga gaari lahaa is mari-waaga ka taagan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa lagu soo qaadayaa qabsoomida shirka wada-tashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo sida qorshuhu yahay berri ka bilaabanayo magaalada Muqdisho.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana haatan socda dadaallo ay wado beesha caalamka oo xal loogu raadinayo khilaafka hareeyey doorashada 2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this