Deeq A. Posted March 29, 2021 Obama oo Ayeeydii ku geeriyootay Kenya Obama iyo ayeeydii Sarah Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayeeydii Sarah Obama ayaa ku geeriyootay da’da 99 jir , sida qoyskeeda ay u sheegeen warbaahinta gudaha. Saraha Obama ayaa saaka ku geeriyootay cisbitaalka Jaramogi Oginga Odinga ee ku yaalla magaalada Kisumu, sida gabadheeda Marsat ay u sheegtay wargeyska Daily Nation. Waxaana la filayaa in lagu aaso qabuuro ku yaalla Kisumu. Sarah Obama waxay ku nooleyd tuulada Kogelo ee galbeedka Kenya halkaas oo Obama aabihii uu ka soo jeedo. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites