Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahinta Qaraxii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku geeriyooday, ilaa afar kalena waa ku dhaawacantay, qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in Qaraxa lala beegsaday mas’uul ka tirsan maamulka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, kaas oo lagu magacaabo Mahad Shawaawe.

Mr Sharaawe ayaa Qaraxaas ka badbaaday, waxaana la sheegay in dadka ku dhintay ay dhammaan Rayid ahaayeen, halka dadka ku dhaawacmayna uu ku jiro hal askari.

Askariga ayaa ka tirsanaa ilaalada mas’uulka la weeraray, waxaana loola cararay isbitaal halkaas oo haatan lagu dabiibayo xaaladdiisa caafimaad.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahinta Qaraxii Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this