Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Afrika: Ganacsade Soomaali Ah Oo Goobtiisa Ganacsi Lagu Dhex Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Cape Town)-Kooxo hubeysan oo budhcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa habeenkii xalay ahayd ay deegaan ka tirsan Magaalada Cape-town ee dalkaas ku dileen ganacsade Soomaali ah oo kamid ahaa dadka halkaas ku leh goobaha ganacsi.

Dilka loo geystay ganacsadaha Soomaaliga ayaa ka dhex dhacay goob ganacsi oo ku taalla deegaanka Belhar oo ka tirsan Magaalada Cape-town, waxaana goobta ugu dhex galay budhcada hubeysneyd, iyagoona rasaas dhowr ah ugu dhuftay qeybaha sare ee Jidhka.

Allaha u naxariistee nin Soomaaliga ee la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cabdiraxmaan Cali, isla markaana waxaa goobta uu falkaas ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay goobta, iyagoona sameeyay baadhitaano aan wax natiijo ah kasoo baxin, taas oo ah sida ay sheegeen dad Soomaali ah in ayna xil iska saarin sidii loo qaban lahaa dadka dilalka geysta.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa hore sidaan oo kale loogu dilay dad badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo goobo Ganacsi ku lahaa dalkaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this