Sign in to follow this  
Deeq A.

Amiirka Al-Shabaab Oo Ku Baaqay Weeraro Laga Fuliyo Dalka Jabuuti, Shaaciyeyna Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Hoggaamiyaha ururka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda ayaa iska soo duubay fariin cod ah oo socaneysa in ka badan 20 daqiiqo, taas oo uu u diray shacabka reer Jabuuti.

Waxa uu sheegay in madaxweyne Ismaaciil uu dalka Jabuuti gacanta u geliyey dowladdo aan Islaam ahayn, kuwaas oo uu sheegay inay hantiyeen dalka yar ee Jabuuti, isla markaana ay hadda hunguriyeynayaan dalkan Soomaaliya.

In kastoo sida hadalkiisa laga dheehan karo uu cadaawadda ugu weyn u qabo dowladda Faransiiska, hadana dowladaha kale ee uu soo hadal qaaday waxaa ka mid ah Mareykanka iyo Shiinaha, kuwaas oo iyaguna saldhigyo millateri ku leh dalka Jabuuti.

“Guud ahaan qabaa’ilka muslimka ah ee ku dhaqan Jabuuti waxaan leeyahay, dhulkiina waxa uu hooy u noqday Faransiis iyo Mareykan, ogaada shacabka reer Jabuutiyow, dowladda waqtigeedu sii dhammaanayo ee ina Cumar Geelle waxay ka mid tahay cadawga ugu weyn ee muslimiinta Bariga Afrika, Ismaaciil Cumar Geelle waxuu suurta geliyey in muslimiinta Bariga Afrika lagaga soo duulo dalkiina Jabuuti, gaar ahaan Soomaaliya,” ayuu yidhi Abuu Cubeyda.

Waxa uu sheegay in hurumar la’aan ba’an uu Jabuuti u hor seeday madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, islamarkaana ay ku jiraan caburin tii ugu darneyd abid, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Abuu Cubeyda ayaa qiray in kooxda uu hoggaamiyo ee Al-Shabaab ay jab culus kala kulmaan diyaarado uu sheegay inay ka soo duulaan saldhigyada militeri ee dowladaha reer Galbeedku ay ku leeyihiin dalka Jabuuti, kuwaas oo ku beegsada goobaha ay ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday ciidanka ay Jabuuti u soo dirtay Soomaaliya ee qeybta ka ah AMISOM, kuwaas oo shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay u yaqaanaan Hiil-walaal, isagoo sheegay in culeys badan ay ku hayaan xasiloonida Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay Abuu Cubeyda.

“Waxaan reer Jabuuti ugu baaqeynaa inay iska dul qaadaan xukunka  Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa waajib idin ku ah sidii aad dalkiina uga saari laheydeen Faransiiska mar kasta aflagaadeeya Nebigeenna Muxamed NNKH,” ayuu hadkiisa ku sii daray hoggaamiyaha maleeshiyada Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this