Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Arimaha Doorashada ee ka socda Garoonka Diyaaradaha oo Villa Soomaaliya looga diiday talo iyo Saameyn inay ku yeeshaan, Maxay kaga jawaabeen Arinkaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya hirka uga docda Hotel ku yaal Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo maalmo ka hor ay ka qayb galeen Madasha Musharixiinta, Maanta ay Bersha Caalamku ka qayb gashay ayaa laga ilaaliya inay saameyn iyo ka qaybgal ku yeeshaan Madaxda Dowlada Federaalka ah.

Sida Puntlandi.com ay xogta ku hayaan Beesha Caalamka ayaa ka hor istaagtay Codsiyo dhowra oo ka yimid Madaxweyne Farmaajo uu ku doonayay inuu saameyn ku yeesho kulankaas, waana tan keentay in Villa Soomaaliya ay isku dayaan inay abuuraan Jawi kale oo lagu khashkhashaadayo Shirkaas.

Jawi abuurkaas wuxuu ahaa abaabulkii uu Gudoomiyaha Baarlamaanku ku abaabulay Baarlamaanka, Shirkii Jamcada .Shirkaas Jamcada kolkuu baaqdey wuxuu Gudoomiye Mursal mar kale isugu yeeray Xildhibaanada maanta oo isniin ahayd, Laakiin Beesha Caalamka oo dareensan ujeedka Shirka Baarlamaanka ayaa Xalay geed dheer u fuulay in la baajiyo kulankaas, Wayna ku guulaysteen,

Qaar kamida Mucaaradka ayaa aaminsan in uusan wali quusan Madaxweyne Farmaajo, uuna soo abaabulayo Qorshe kale oo Shirka Ka socda Xalane lagu khashkhashaadayo ama indhaha Shacabka looga leexinayo.

Puntlandi.com Muqdisho

A308B935-D121-49CF-BDBC-C569E83BD61C.jpe

The post Shirka Arimaha Doorashada ee ka socda Garoonka Diyaaradaha oo Villa Soomaaliya looga diiday talo iyo Saameyn inay ku yeeshaan, Maxay kaga jawaabeen Arinkaas appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this