Deeq A. Posted March 29, 2021 Waxaa goordhaw Hotel Ku yaalla Xalane shir uga furmay Madaxweeynayaasha dowlad Gobaleedyada dalka iyo Xubnaha Beesha Caalamka . Shirkan oo madaxda dowlad gobaleedyada ay la qaadanayaan wadamada loo yaqaano C6+ ayaa looga hadlay Ajendaha shirka Afisiyooni. Madaxda dowlad gobaleedyada ayaa isku dyaarinaya shirweynaha doorashooyinka dalka ee Lagu qabanayo xarunta Afisiyooni maalmaha soo socda . Sidoo kale kulanka ayaa la filaya in lagu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka taagna Doorashada. Madaxweeynayaasha dowlad gobaleedyada dalka ayaa sidoo kale Warbixin siinayo madaxda Wadamada C6+. GoobJoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites