Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay G/ Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo gobolka Jubbada Hoose ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dagaal u dhexeeyey ciidanka dowladda, kuwa Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Baar-Sanguuni ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla halkaasi, waxaana xigay iska hor imaad toos ah.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yihin dhinaca Al-Shabaab.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi & weerarka horreeyey intaba.

Xaaladda ayaa saaka ah mid deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada huwanta oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay gobolka Jubbada Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this