Deeq A. Posted March 29, 2021 Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo nooca miinada ah oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee G/ Banaadir. Qaraxa koobaad oo miino ahaa ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay nawaaxiga xarunta maamulka degmada Daynille, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Warar ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in qaraxan lala beegsaday gaari uu la socday xoghayaha maamulka degmada Mahad Sharaaawe, kaas oo ka bad-baaday qaraxa. Ugu yaraan 4 qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyada oo uu ku dhaawacmay hal askari oo ilaalo u ahaa xoghayaha, sida ay shaaciyeen ilo dadka deegaanka ah. Sidoo kale qaraxa labaad ayaa ka dhacay agagaarka xarunta wasaaradda Gaashaandhigga, kaas oo lala eegtay gaari ay la soceen ciidanka DF, balse ma cada khasaaraha ka dhashay. Xaaladda gooobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan deggan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites