Deeq A. Posted March 29, 2021 Shir gaar ah o u dhexeeyo mdaxda maamul goboleedyada dalka iyo beesha caalamka ayaa maanta ka furmay xeyndaabka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa arimaha doorashada iyo sidii loo dardar-gelin lahaa dadaallada lagaga mira dhalinayo wada-hadallada socda. Ergeyga QM ee Soomaaliya oo ay wahlinayaan wakiilka Midowga Afrika, danjiraha dalka Mareykanka iyo safiirada kale ee beesha caalamka ayaa garwadeen ka ah shirkaasi. Sidoo kale waxaa looga hadlayaa sidii uu u furmi lahaa shirka dowladda dhxe iyo dowlad goboleedyada oo ay horay uga biyo diideen Axmed Madoobe & Deni. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana weli is mari-waa xoogan uu ka taagan yahay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka ee 2021-ka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites