Deeq A. Posted March 29, 2021 Madaxweynaha Madagascar Andry Rajoelina, ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee dalkaas, Didier Ratsiraka geeriyooday. Didier Ratsiraka oo Madagascar soo xukumaayay 22 sano, ayaa ku geeriyooday isbitaal military, isagoo 84 jir ah. Didier Ratsiraka ayaa isbitaal la dhigay 22 bishaan Maarso, wuxuuna geeriyooday maanta inksata oo aan la shaacin sababta uu u geeriyooday. Didier Ratsiraka ayaa madaxweyne ka soo noqday Madagascar labo jeer oo kala ahaa 1975 ilaa 1993 iyo 1997 ilaa 2002. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore ee dalka Madagascar oo geeriyooday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites