Sign in to follow this  
Deeq A.

Goobaha laga heli karo Tallaalka Covid-19 ee Gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Cafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda waxey dadweynaha ku nool magaaladda Mogadishu la wadaagaysaa Goobaha Caafimaad ee laga heli karo Tallaalka Ka hortaga Covid-19 ee  dhaaman dagmooyinka Gobolka Banadir.

Waxaan sidoo kale bulshada ku wargelinaynaa In Tallaalka COVID-19 uu yahay lacag la’aan ah, waxaa mudnaanta hore la siin doona  dhamaan shaqaalaha safka hore sida  Shaqaalaha Caafimaad, Macalimiinta, Booliiska, iyo Dowladda Hoose iyo dadka weyn ee da’da 50 ka iyo wixii ka sareeya.

Haddii aadan ku jirin dadka kor lagu xusay ee mudnaanta koowaad leh, fadlan dulqaado inta lag gaarayo xiligaaga maadaama dadka mudnaanta 1aad lasiiyay ay yahiin kuwa ugu nugul in xanuunku haleelo.

Tallaalka waxaad ka heli kartaan goobaha caafimaad ee ku qoran shaxda hoose, kuwaas oo shaqeynaayo 7.00 am – 3.30 pm, sabti ilaa iyo khamiis.

Fadlan iska diiwaangeli kana qaado tallaalka xarunta kugu dhow ee degmada aad ku nooshahay.

IMG-20210328-WA0041.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this