Sign in to follow this  
Deeq A.

“Haweenka iyagaa isugu wacan tacaddiyada” weriyeyaal hadalkaas shaqadoodii ku waayay

Recommended Posts

Deeq A.   

“Haweenka iyagaa isugu wacan tacaddiyada” weriyeyaal hadalkaas shaqadoodii ku waayay

shaffieweru
Weriyaha caanka ka ah Kenya Shaffie Weru ayaa is weydiiyay inay haweenku sabab u yihiin inay ragga soo weeraraan

Saddex weriyeyaal Kenya u dhashay kana shaqeynayay mid ka mid ah raadiyeyaasha dalka ayaa shaqada laga cayriyay kaddib markii ay ka doodeen in haweenku ay mas’uul ka yihiin inay raggu soo weeraraan.

Waxay ka doodayeen kiis maxkamadeed oo ku saabsan nin lagu eedeeyay in haweeney uu Facebook ka bartay uu kulankoodii ugu horreeyay ka soo tuuray daaqadda dabaqa 12-aad.

Baraha bulshada Kenya waxaa is qabsaday caro laga muujinayo hadalka weriyeyaashan, oo gabadha dhibbanaha ah ku eedeeyay inay iyadu isugu wacan tahay waxa ku dhacay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in hadalka weriyeyaashan uu taageero u muujinayo tacaddiyada haweenka ka dhanka ah, waxaana la joojiyay barnaamijkaas.

Shaffie is insinuating that the lady who was pushed from the 12th floor of a building in Nairobi CBD after she said no to a man's advancements was because she was too loose & very available hence putting herself is such a situation. Homeboyz yawa. What the actual hell! 😡

— BRAVIN YURI (@BravinYuri) March 25, 2021

Doodda waxay ku saabsaneyd kiis maxkamadeed oo Eunice Wangari ay ku eedeysay Moses Gatam Njoroge in kulankoodii ugu horreeyay uu ka soo tuuray dabaqa 12-aad, iyadoo sheegtay in sidaas uu sameeyay kaddib markii ay ka diidday damaciisa. Wuxuu Moses sheegay inuusan wax dembi ah ku lahayn dhaawaca jireed ee soo gaaray gabasha, kiiskuna haatan ayuu ka socdaa maxkamadda.

Arbacadii weriyaha Kenya caanka ka ah Shaffie Weru ayaa arrinta Ms Wangari wuxuu kaga dooday barnaamijka Lift-Off ee subixii baxa ee raadiyaha Homeboyz.

“Waxaan ka doodeynay Eunice, gabadha 20 sano jirka ah ee sanadkii la soo dhaafay, qof ka baratay Facebook, is barashadii ugu horreysay aadday ibtaas kaddibna … noqotay qof aan dhaqaaqi karin, weli way dhutineysaa sababtoo ah waxaa cad in ninkan ay ka baratay Facebook u ka casuumay dhisme, waxay ku kulmeen dabaqa 12-aad”.

“Kaddibna qiyaas waxa dhacay? Ninka wuxuu isku dayay inuu dhaqdhaqaaq sameeyo… Waxay tiri ‘ma saneynayo sidaas, uma soo jeedo arrintan’ kaddibna ninka wuxuu ka soo tuuray dabaqa 12-aad haatanna waa curyaan.

“Waxaana dhammaan gabdhaha ugu baaqayaa… waa inaad is jirtaan.”

Wuxuu kaddib su’aal ka keenay:

“Ma idinla tahay in haweenka Kenya ay ragga isku bandhigaan, aad miyay u dabacsan yihiin, miyay yihiin kuwo damac uu ku jiro, niyad jabsan sidaas darteedna ay ula kulmaan xaaladahan oo kale?”

Codkaas ayaa waxaa baraha bulshada ku wadaagay dad careysan oo ku doodaya in Weru uu eedeynayo gabadha dhibbanaha ah.1px transparent line

“Dooddan waa mid laga yaqyaqsoodo. Sidani maaha xalka walaalayaal. Ceebenta dhibbanaha waxay la mid tahay ficilka. Si ka fiican ka sameeya,” ayuu yiri Sauti Sol, oo ah fannaan.

Khamiistii shirkad wax ku xayeysiisan jirtay raadiyaha ayaa kala laabatay xayeysiinta.

East African Breweries, ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in hadalkaasi uu ka dhigan yahay mid lagu taageerayo tacaddiyada haweenka lagula kaco.

 

Weriyaha Weru ayaa sidoo kale raalligelin bixiyay isagoo Jimcih qoraal soo dhigay barta Instagram.

1px transparent line

Balse shalay Homeboyz Radio sackedayaa shaqada ka cayriyay dhammaan saddexda weriye.

Maamulka Warfaafinta Kenya oo arrinta ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijka uu ku eedeysan yahay taageeridda tacaddiyada galmo ee haweenka ka dhanka ah.

Waxay joojisay barnaamijka Lift-Off muddo lix bilood ah waxaana raadiyaha lagu xukumay hal milyan oo shilinka Kenya ah ($9,100; £6,600).

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this