Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka gadoodsan Mushaar la’aan soo wajahday oo Isbaaro dhigtay waddo muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo ka gadoodsan Mushaar la’aan soo wajajhday oo Isbaaro dhigtay waddo muhiim ah

Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo isbaaro dhigtay waddo muhiim ah

Ciidamo gadoodsan oo mushaar la’aan ka cabanaya ayaa muddo ku dhaw hal toddobaad waxey isbaaro dhigteen waddada iskuxidha Garowe iyo Gaalkacyo, sida ay wararka nagu soo gaadhayaan.

Ciidamadaan oo aan tiradooda la sheegin ayaa ka cabanaya ineysan helin xuquuqdooda, waxeyna masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland u diideen iney isticmaalaan laamiga dheer ee labada magaalo isku xidha.

Ciidanka ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin deegaan lagu magacaabo Xarfo oo ka tirsan gobolka Mudug.

Qaar ka mid ah saraakiisha oo aan magacooda la shaacin ayaa la hadlay warbaahinta, waxeyna sheegeen ineysan ka tagi doonin halkaas inta laga siinayo xuquuqda kaga maqan maamulka uu hogaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Wararka aan heleyno sidoo kale waxaa ka mid ah in ciidamadaan ay u diideen inuu wadada isticmaalo wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo doonayay inuu wadadaas isticmaalo.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa la sheegay iney kusii jeedeen Gaalkacyo, balse waxaa warar dambe ay sheegayaan iney diyaarad ku aadi doonaan halkaas.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this