Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulankii Barlamaanka Somalia ee maanta oo la baajiyay+digniin Xalane ka timid & Mudo korodhsigii Farmaajo oo fashilmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulankii Barlamaanka Somalia ee maanta oo la baajiyay+digniin Xalane ka timid & Mudo korodhsigii Farmaajo oo fashilmay

barlamaan-300x200.jpg

 

Shirkii golaha shacabka ee saakala loo balansanaa  ayaa  dib loo dhigay kadib Farriin loo diray Xildhibaanadda.

Fariinta loo  diray  mudanaaysha ayaa  sidan  u qorneyd oo katimid Gudoonka Golaha  Shacabka “Mudane Xil. Shirkii Beri oo Isniin ah loo balansanaa waxaa dib loogu dhigey maalinta Arbacada oo tariikhdu tahay 31 March”

Xildhibaanada  ayaa u balansanaa  maanta  oo Isniin  ah iney  ka  doodaan Covid-19 iyo ansixinta  guddiyo  kamid  noqonaya  kuwa  ilaaliya  xuduudaha.

Xildhibaano  badan  oo mucaarad  ah  ayaa  shalay  laga  ganaaxay  kulamada  dambe  iney  soo  xaadiraan  iyagoo  wacad  ku  maray  maanta  iney  tagi  doonaan  wixii  ka  dhacana  uu  mas ‘uuliyadeeda  qaadanayo  Mursal.

Xildhibaanada ayaa intooda  badan  aaminsanaa in  Ajandaha  uu  yahay  muddo  kororsi  oo Villa  Somalia ay  wadatay, waxaana  arrinta  soo  farageliyay  Beesha  Caalamka  iyo AMISOM.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this