Deeq A. Posted March 29, 2021 Kulankii Baarlamanka Soomaaliya ee loo ballansanaa maanta oo Isniin ah ayaa la baajiyay waxaana dib loo dhigay ilaa maalinta Arbacadaha ah ee todobaadkan. Farriin kooban oo loo diray xildhibaannada Baarlamanka ayaa lagu wargeliyay in gebi ahaanba maanta la baajiyay kulanka islamarkaana dib loo dhigay ilaa 31-da bishan oo ku beegan Arbaco. “Mudane Xildhibaan shirkii beri oo Isniin ah ee loo balansanaa waxaa uu dib loo dhigey maalinta Arbacada ee tariikhdu ku beegan tahay 31 March”. ayaa lagu yiri Farriinta. Beesha Caalamka ayaa la sheegay in ay cadaadis xooggan ku saareen madaxweyne Farmaajo iyo Guddoonka Baarlamanka in dib loo dhigo kulanka oo laga shaki qabay in mudda kordhin lagu sameeyo. Sidoo kale Kulanku wuxu diidmo adag kala kulmay xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka, Midowga Musharaxiinta iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka. PUNTLAND POST The post Kulankii Baarlamanka Soomaaliya oo maanta la baajiyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites