Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulankii baarlamaanka ee mudo kororsiga loogu sameyn lahaa Farmaajo oo la joojiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)– Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoonka baarlamaanka loona kala diray xildhibaanada ayaa lagu ogeysiiyay in la baajiyay kulankii maanta oo Isniin ah loo balansanaa.

Fariinta loo kala diray xildhibaanada golaha shacabka ee mudo xilkeedkiisa dhamaaday ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba la joojiyay kulankaasi ilaa maalinta arbacada ah sida ku cad farintaasi.

“Mudane Xildhibaan shirkii beri oo Isniin ah ee loo balansanaa waxaa uu dib loo dhigey maalinta Arbacada ee tariikhdu ku beegan tahay 31 March”. ayaa lagu yiri fariinta loo kala diray xildhabaanada.

Sida wararku sheegayaan arrintaan ayaa ka danbeysay kadib markii cadaadis xooggan la saaray Farmaajo iyo guddoonka baarlamaanka ee mudo xileedkoodu dhamaaday.

Diblumaasiyiinta iyo wakiilada beesha caalamka ayaa saacadihii u danbeeyay wada hadalo dhinaca muuqaal araga fog iyo taleefano kula xiriirayay Farmaajo iyo Mursal si loo joojiyo kulanka baarlamaanka, waxaana heshiis lagu gaaray in kulanka Isniinta la baajiyo.

Hakinta shirkaan ayaa la sheegayaa iney qeyb ku leeyihiin madaxda Mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland oo si weyn u diidan qorshaha Farmaajo.

Dhinaca kale xildhibaanada kasoo horjeeday kulankaasi oo la sheegay in mudo xileedka Farmaajo loogu kordhin lahaa hadii uu qabsoomi lahaa ay sheegeen in xaalada siyaasadeed iyo mida amni ay noqon laheyd mid waji cusub yeelato, mas’uuliyadeedana uu qaadi lahaa Maxamed Mursal iyo Farmaajo sida ay hadalka u dhigeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this