Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News— Beesha Caalamka oo Gudoomiye Mursal uga digay Mudo Kororsi

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay ka heleen Xayndaabka Xalane, Beesha Caalamka ayaa xiriir lasameeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka waxayna kawada hadleen Xaalada Dalka.

Beesha Caalamka oo ay ugu horeeyaan Midowga Yurub waxay Gudoomiye Mursal u Sheegeen in ay Cawaaqiib xumo Siyaasadeed, Mid Amni xumo ay horseedeyso hadii lagu dhawaaqo Isku day awoodeed oo walktiga lagu dheeraysanayo.

Beesha Caalamku waxay Gudoomiyaha Baarlamaanka u sheegeen in la taageero Heshiiskii 17 Sebtember , wax ka baxsana aysan marnaba aqbalayn Saaxiibada Soomaaliya.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Gudoomiye Mursal uu Beesha Caalamka u sheegay inaysan Ajandaha ugu jirin mudo kordhin, kaliya ay Xildhibaanadu ka doodayaan Ajandaha Shirka Isniinta, wuxuu kaloo intaa ugu daray in Baarlamaanku dareensan yahay in Xilkii ka dhamaadey balse ay yihiin oo qura kuwo sugaya cidii Xilka kala wareegi lahayd.

Wararka aan helayno waxay kaloo sheegayaan in Beesha Caalamku ay Qoraal ka soo saarayaan saacadaha soo socda Xaalada Baarlamaanka iyo Mudo kororsiga laga dhawaajinayo.

Puntlandi.com Nairobi

Puntlandi-Breaking-news-center.jpg

The post Breaking News— Beesha Caalamka oo Gudoomiye Mursal uga digay Mudo Kororsi appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this