Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ‘ka maqna’ fadhiggii shalay oo lagu daray liiska xildhibaanada xayiraadda la saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo kasoo muuqday liiska 15-ka xildhibaan ee uu guddoonka baarlamaanka sheegay in laga mamnuucay shanta fadhi ee soo socota ee baarlamaanka, ayaa sheegay inuu ka maqnaa fadhiggii shalay.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuusan ku jirin xildhibaanada buuqa dhaliyay, banaankana uu ka joogay fadhigga, islamarkaana uu ku baraarugay kaliya fadhiga oo lasoo xiray.

Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo la hadlay BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa yiri: “Waxaan ku baraarugay uun in baaralamaankii lasoo xiray, bannaanka baan joogay…warqadda soo baxday waxay sheegeysay dadkii is hortaagay ee kulanku uu ka socon waayay laakiin anigu kama mid aheyn,”

Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa xayiraad lagu saaray kadib wixii dhacay shalay, waxaana la sheegay ineysan shan kalfadhi soo xaadiri doono, balse gaashaanka ayey u daruureen go’aanka iyagoo sheegay iney xaadiri doonaan berito.

Warqad ka timid guddoonka golaha shacabka oo uu ku saxiixan yahay gudoomiye Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa la faafiyay, waxaana ku qornaa ilaa iyo 15-xildhibaan oo muddo shan kal fadhi ah laga mamnuucay iyadoo la adeegsanayo xeer hoosaadka golaha shacabka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this