Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada BF oo lagu wado inay markale kulan yeeshaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada golaha shacabka ee dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in ay kulan yeeshaan kadib markii shaley uu kulankoodii kusoo dhamaaday buuq.

Qoraal kasoo baxay aqalka baarlamaanka ayaa lagu sheegay in kulanka berri looga hadli doono labo arrimood oo kala ah cudurka Covid-19 iyo u codeynta xubnaha guddiga madaxabanaan ee xudduudaha.

Natiijo la’aan iyo fashil ayuu kusoo dhamaaday kulankii shaley ee ay lahaayeen xildhibaanada barlamaanka federaalka ee Soomaaliya kadib markii xubno ka tirsan golaha ay ku eedeeyeen guddoonka inuu qarinayo ajandde aan ahayn kii la iclaamiyay.

Kulanka wuxuu ku soo beegmayaa xilli ismari-waaga ka taagan doorashada waqtigeeda laga soo gudbay uu marayo meel xasaasi ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this