Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay dalka Indonesia

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhaawacmay, qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay albaabka Kaniisad ku taal magaalada Makassar ee  dhacda koofurta Indonesia.

Wararku waxey intaas ku darayaan in hal qof ku dhintay qaraxa oo dhacay subaxnimadii maanta.

Afhayeenka laamaha amniga ee dalkaas ayaa u sheegay warbaahinta in dadkii dhaawacay oo ay ku jiraan ilaaladii kaniisadda, loo qaaday xarumaha caafimaadka si loo daweeyo.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in laba qof oo watay mooto ay isku dayeen inay xoog ku galaan kaniisadda, markii loo diidayna mid ka mid ah is qarxiyay.

Guddomiyaha magaalada Makassar Maxamed Bomanto ayaa ugu baaqay shacabka inay is dejiyaan, isagoo ballan qaaday in ciidamada ammaanku  qaadi doonaan tillaabo lagu sugaayo amniga magaalada.

PUNTLAND POST

The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay dalka Indonesia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this