Sign in to follow this  
Deeq A.

Amiirkii Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada oo hawlgal qorshaysan lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen Amiirkii Qaraxyada u qaabilsanaa Al-shabaab.

Qoraal ay soo saareen Taliska kumaandooska Danab ayay ku sheegeen in Amiirkaas lagu dilay hawlgal qorshaysan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay tuulada Buula-xaai oo ka tirsan degmada Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Amiirka la dilay magaciisa ayaa lagu sheegay Ismaaciil Jiis, waxaana sidoo kale hawlgalka ku dhintay in ka badan 10 dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab sida laga soo xigtay Saraakiisha Danab.

PUNTLAND POST

The post Amiirkii Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada oo hawlgal qorshaysan lagu dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this