Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo gadoodsan oo isbaaro dhigtay Laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo ka tirsan Daraaawiishta Puntland oo ka gadoodsan mushahar la’aan, ayaa mudda todobaad ku dhow isbaaro u taal laamiga xiriiriya Garoowe iyo Gaalkacyo.

Cutubyo ka tirsan ciidanka gadoodsan, oo ka cabanaya xuquuq iyo mushahar ka maqan ,ayaa u diiday mas’uuliyiinta Puntland in ay isticmaalaan Laamiga dheer ee Garoowe iyo Gaalkacyo, gaar ahaanna nawaaxiga degaanka Xarfo ee Gobolka Mudug.

Saraakiisha Ciidanka ayaa Puntland Post u sheegay in aysan halkaas ka tegi doonin inta laga siinayo xuquuqda ka maqan, islamarkaana aysan mas’uuliyiinta dowladda u ogolaan doonin isticmaalka Laamiga.

Sidoo kale, Saraakiishu waxay sheegeen in ay is hor-taag ku sameeyeen Wasiirk Maaliyadda Puntland Xasan Abgaal oo doonayay in uu wadadaas isticmaalo, balse safarkiisa uga baaqday xirnaanta Laamiga.

PUNTLAND POST

The post Ciidamo gadoodsan oo isbaaro dhigtay Laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this