Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo howl-gallo ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Sh/Hoose.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkan oo ka dhacay tuulada Buulo Xaaji lagu dilay sarkaal sare lagu magacaabo Ismaaciil Jiis iyo 10 dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay dowladdu shaacisay in lagu gaasiiyey khasaaraha xoogan.

 

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this