Sign in to follow this  
Deeq A.

Colaad ka aloosnayd Gobolka Sool oo heshiis lagu dhammeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Heshiis.jpg?resize=720%2C480&ssl=1

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland, ayaa ku guulaystay in heshiis nabadeed lagu dhammeeyo muran la xiriiray dhul-daaqsimeed iyo ceelal, oo ka taagnaa degaanka Dhuumood ee Gobolka Sool.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha Puntland, oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta Gobollada Sool iyo Nugaal, xildhibaanno ka tirsan Puntland iyo saraakiil ciidan, ayaa shaaciyay in la xalliyay murankii Dhuumood.

Mas’uuliyiinta ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka laba beelood oo halkaas ku muransanaa, waxaana lagu guulaystay in heshiis nabadeed lagu dhammeeyo khilaafkooda.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta Puntland ay gebi ahaanba kala qaadeen laba malayshiya-beeleed oo isku horfadhiyay degaanka Dhuumood, kadib markii nabad lagu dhammeeyay murankii labada beelood.

PUNTLAND POST

The post Colaad ka aloosnayd Gobolka Sool oo heshiis lagu dhammeeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this